VIDEO: CC Warsame oo si kulul u dhaleeceeyay Hadal kasoo yeeray MD Farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame, oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden, ayaa si adag u dhaleeceeyay hadal kasoo yeeray dhowaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ku aadanaa in cidii dhaliisha ay u gaftay Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaan ka xumahay inaan maalin dhaweyd dhageystay Madaxweynaha oo leh hadaad aniga ii gafteen Qarankii iyo Dowladdii baan u gafteen, war sidee Qaranka loogu gafay, waxaa jira hadal qalad ah oo soomaalidu isticmaasho oo ah Madaxweynuhu waa astaan Qaran, sidee ku yahay Astaan Qaran, Madaxweynaha waa qof la doortay waa la dhaliili karaa waana la taageeri karaa, berri buuna iska tagin” ayuu yiri C/rixmaan C/shakuur Warsame.