Xildhibaano iyo Senatorro oo booqday degaanada dhaca Duleedka Kismaayo (Sawirro)

Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaano,Senatorro ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Cabdalla Biroole.

Wafdigan ayaa ka kobnaa Wasiirada Xanaanada Xoolaha iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Jubbaland,Xildhibaanno ka socday Gollaha Wakiilada Jubbaland iyo Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka mid ah xubnaha Jubbaland ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS.

Dadka deegaanka ayay ka dhagaysteen baahiyaha iyo adeegyada ay u baahanyihiin waxaana xaaladda dadka uga warbixiyay guddoomiyaha Cabdalla Biroole Mahad Nuur Ibraahim.

Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka Jubbaland ayaa wada qorshe ay deegaanada Galbeed uga hirgalinayso adeegga garsoorka halka Wasaaradda Xanaaada Xoolaha ay halkaas geysay Mashruuca daaweynta Xoolaha oo dhawaan laga hirgaliyay Jubbaland.