CNN TV: Donald Trump nacayb gaar ah ayuu u qabaa Soomaalida”

Bilihii ugu horreeyay maamulkiisa ayaa Madaxweyne Donald Trump waxaa uu weydiiyay ku xigeenkii hore ee  Xoghayaha Amniga Gudaha Elaine Duke sababta uusan dalkiisa uga mamnuuceynin qoxootiga Soomaalida ah isaga oo ay ka muuqato carro adag, sida uu baahiyay TV-ga CNN.

Book ay qoreen suxufiyiin ka tyirsan Wargeyska New York Times oo magaciisu yahay “Dagaalka Xuduudaha” ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Maraykanku uu dadka Soomaalida ah ka aaminsanyahay khatar soo food-saartay Maraykanka waxaana uu soo saaray amar fulineed oo dalka Maraykanka ka mamnuucaya muwaadiniinta Sideed dal oo ay Soomaalidu ka midyihiin.

“Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller oo ah lataliyiihsa siyaasadda, nacayb gaar ah ayey u qabaan Soomaaliya, badanaa waxay usoo qaataan marka ay ka hadlaan khataraha maraykanka uga imaanaya qaxootiga iyo soogalootiga” ayaa ku qoran buugaan oo uu soo xiganayo TV-ga CNN.

Julie Davis iyo Michael  Shear oo ka tirsan New York Times ayaa qoray buuga shaaca ka qaaday nacaybka gaarka ah ee uu Soomaalida u qabo Madaxweyne Donald Trump.

Bishii October 2017-kii, todobaadyo ka dib markii uu Donald Trump u cawday Elaine Duke oo kuxigeen ka hayd Amniga Gudaha ayaa lataliyihiisa Stephen Miller waxaa uu marwo Duke ku cadaadiyay in ay joojiso dadka Maraykanka kasoo gelaya 11 wadan, gaar ahaan Soomaaliya.

Sida Buugu sheegayna Elaine Duke waa ay diiday hadalka lataliyaha Madaxweyne Trump.

Aqalka cad ee maraykanku weli kama uusan hadlin eedahaan loo jeediyay Madaxweynaha.

Siyaasadda ka dhanka ah soo galooyiga ee Donald Trump ayaa horseeday in ay yaraadaan qaxootiga dalkaas tagay sanadkaan oo garaya 30,000 oo qof. Waa tiro aad u yar marka loo eego dadka sanadihii hore tagi jiray Maraykanka.

Sanadka soo socdana waxaa uu Trump balanqaaday in uu tirada gaarsiin doono 18,000 oo qof.