Dowladda Jarmalka oo $73 milyan ugu deeqday Soomaaliya

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in gargaar dhaqaale oo gaarayso $73 milyan oo doolar ay ugu deeqayso Soomaaliya taas oo sara u sii qaadayso xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeyo dalalka Jarmalka iyo Soomaaliya.

Safiirka Jarmalka Annett Gunther ayaa lacagtani ku dhawaaqay xilli uu ka qayb galayay xaflad lagu maamuusayay midowgii labada Jarmal oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo uu ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre.

“Tani waa wadada uu Jarmalku ku taageerayo Soomaaliya, Jarmalka sara ayuu usii qaadi doonaa taageeradiisa horumarineed iyadoona lacagtani ay Soomaaliya wax badan ka caawin doonto labada sano ee soo aadan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiirka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweesay lacagtan ay ugu deeqday dowladda Jarmalka, iyadoona sheegtay in ay ka taageeri doonto dhinacyo badan.

Dowladda Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha katirsan Midowga Yurub ee Soomaaliya ka taageero dhanka amniga iyo horumarka.