Madaxweyne Deni oo ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Sacad Geelle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle.

Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan eheladii, qoysaskii iyo asxaabtii uu ka baxay.