Puntland oo ku gacansayrtay codsigii Farmaajo ka yimid

Puntland si cad bay udiiday dhamaan qodobadii uu xanbaarsanaa dhanbaalkii Madaxweyne Farmaajo ka yimid.

Wafti ka koobnaa 5-Wasiir iyo lataliye oo uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada Fadaraalka Axmed Ciise Cawad,ayaa galabta soo gaaray Bosaso.

Wasiiradan,ayaa waday dhanbaal ka yimid Farmaajo,kaasoo sheegayay in Dowlada Fadaraalku aqbashay wax walba oo Puntland ay dood ka qabtay,balse laga codsanayo in aysan ka qaybgalin caleema saarka Axmed Madoobe.

Kulan socday mudo saacada ah oo dhexmaray waftiga Fadaraalka iyo Puntland,ayaa ugu danbayn kusoo idlaaday waxba.

Puntland,ayaa waftiga Fadaraalka ugudbisay go”aamadan kala ah…

1.In Puntland ay ka qaybgalayso caleema saarka Axmed Madoobe oo uu yahay go”aan Dowladeed oo lama taabtaan ah.

2.In Puntland diyaar utahay dhex-dhexaadinta Dowlada Jubaland iyo Dowlada Dhexe caleema saarka kadib.

3.In Puntland aysan gorgortan ka galayn arimaha masiiriga ah ee Dalka,iyadoo dana gaar ah ilaalsanaysa.

Madaxweyne Deni,ayaa kulaanka kadib casho ugu sameeyay Madaxtooyada Bosaso waftiga Fadaraalka,iyagoona caawa seexan doona berina dib ugu laaban doona Muqdisho.

Go”aanka Puntland ay ku adkaysatay kuna diiday codsiga Dowlada Fadaraalka ah waxuu noqday mid taariikhiya.