Puntland oo qaabishay Dad Soomaali iyo Yemeniyiin kasoo cararay Colaada Dalka Yemen (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta Magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay Dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay Colaada Dalka Yemen iyo Qaxooti u dhashay Yemen.

Dadkan Soomaalida iyo Yemeniyiinta isugu jiray ayaa tiradoodu gaareysay 100, kuwaas oo ka koobnaa Rag, Haween, Waayeel iyo Carruur, waxaana Dadkan siday Doon kasoo qaaday Magaalada Mukalaha ee Dalka Yemen.

Dadkan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Dekedda Magaalada Boosaaso Kooxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland u qaabilsan soo dhaweeynta iyo dejinta Dadka Soomaaliyeed iyo Walaalaha Yemen ee kasoo qaxaya Colaada Dalkaas.

Dalka Yemen ayaa waxaa weli ka socda Colaad daba-dheeratay, taas oo u dhexeysa Dowladda Caalamku aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta oo taageero ka kala helaya xulufada Sacuudiga iyo Iran, kuwaas oo ku loolamaya Awooda Bariga Dhexe