Yaa ka danbeeyay tagida Wasiirada Fadaraalka Ee Bosaso?

Madaxweyne Farmaajo maalin ka hor,waxuu uyeeray Rw Khayre,isagoo ka codsaday in xilka qaadis lagu sameeyo dhamaan Wasiirada kasoo jeeda beelaha Daarood.

Farmaajo,ayaa ku andacoonayay in ay ka gaabiyeen shaqadoodii iskuna xiri waayeen Dowlada iyo Deegaamadooda.

Khayre oo ka duulaya codsiga Farmaajo,ayaa iskugu yeeray Wasiirada beelaha Daarood ku matala Dowlada Fadaraalka,waxuuna usheegay fariintii Farmaajo.

Dood iyo isla falanqayn dheer kadib Khayre iyo Wasiiradiisii waxay isla garteen in dhaqdhaqaaq la sameeyo si loo qanciyo Farmaaja-ha umuuqda haad Geed waayay.

Wasiirada beesha Harti ee kaso jeeda Puntland,ayaa diyaarad soo qaatay galabta kana soo dagay Bosaso.

Lama soo dhaweyn wax baratakool ahna looma samayn markay soo gaareen garoonka iyo Madaxtooyada,waxayna utageen Madaxweyne Deni oo dad shacab ah la fadhiya.

Isa salaamid kadib waxaa hadalka furay Wasiir Cawad oo umuuqday Nin lasoo khasbay waxa uu ka hadlayana ka yax-yaxsan.

Xog waranka Wasiirada kadib Madaxweyne Deni waxuu usheegay in meesha ay ka yimaadeen aysan awood ku lahayn cid ay matalaana aysan jirin,sidaa daraadeedna aysan qaadanayn fariinta ay sidaan.

Wasiiradii dhoolatuska waday waxay beri kula laaban doonaan gacmo maran Khayre iyo Farmaajo.

Dhanka kale booqashada Wasiirada ee Bosaso waxay muran ka dhex dhalisay Dowlada haysata aqoonsiga Qaramada ee Villa Somaliya,yadoo Wasiirada kasoo kala jeeda beelaha Leelkase,Awrtable iyo Carabsaalax ay ka caroodeen safarka laga qariyay iyo hoos udhigista lagu sameeyay.

Farmaajo,ayaa waxaa haysta cadaadis xoog badan oo kaga imaanaya kooxdiisa dhex deeda,kaasoo daaran in uusan gacanta ku hayn beshiisa ,isla markaana marti ku yahay Xamar oo uusan waxba ku darsan.

Jibril Qoobey.