Akhriso: 10 Su’aalood oo Madaxweynaha Puntland uu hor-dhigay Wasiirada XFS

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni wuxuu diiday $10 Malyan oo Villa Somalia logasoo dhiibay si uu uga Baaqdo Caleema Saarka Axmed Madoobe.

Wasiirada Federaalka ee Puntland kasoo jeeda ee Madaxweyne Deni ugu yimid inuu ka Baaqdo Caleema saarka Axmed Madoobe iyagoo wada $10 Malyan oo Dollar ayaa waxa uu waydiiyay dhawr Su’aalood waxaana kamid ahaa:

1. Waxbarashada iyo Shahaadooyinka Puntland halkee ku og tihiin?.

2. Markii laga reebo inaad idinku Wasiirro tihiin waxaad ii sheegtaan hal qof oo reer Puntland ah oo ka shaqeeya shaqooyinka ay bixiso Dawladda Federaalka ah?

3. Ma idinku jiraa hal Wasiir oo saxiixa ama kalsoonida hal Xildhibaan haysta iskabada rabitaanka shacabka?.

4. Miyaad haysaan hal mashruuc oo dawlada federaalku siisay puntland ?

5. maxay dawlada federaalku ruqsada ugu diidey shirkada dhisaysa dekeda boosaaso ?

6. Maxay dawlada faderaalku ugu diiday puntland deeqaha waxbarasho ?

7. Maxay dawladu ugu diiday puntland qalabka ciidanka iyo taba barada ay beesha caalamku ugu deeqdo guud ahaan soomaaliya?

8. Maxaa loo duminaya oo lacagta qaranka loogu adeegsanayaa meel dhisan oo nabada?

9. Mashaariicda Puntland caalamku ugu deegay loogu diiday.

10. Maxaad adinku ugu doodi weydeen xaquuqda dadkiina halkii aad muxaafid dawlada noqon lahaydeen. Weli midkiin shir jaraaid ma qaban asaga oo u hadlaya dadkiisa uu metelo

Sida aan xogta ku helay Wasiir Su’aalahaas mid ka mid ah ka jawaabay majiro, iyagoo yaaban oo is eegaya ayay madasha ka kaceen.

Madaxwayne Deni ayaa u sheegay in Puntland Xaq ka maqan uusan goyn $10 Malyan uusana Laaluush ku qaadanayn Burburinta Dalka iyo Dastuurkiisa isagoo Fulinaya dano Dad gaar ah.