Haggaanka Ahlu-sunna oo kulan ku leh Dhuusa-mareeb

Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ku biiray Galmudug, ayaa kulan deg deg ah haatan uga socda xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xafiis u ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulanka oo Albaabada u xiran yihiin ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in looga hadlayo Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ee ay magacowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay saluugsan yihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaanka Ahlu-sunna ay Go’aano kasoo saari doonaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug oo la sheegay inaysan Xubno ku laheyn.

Sheekh Ca/risaaq Maxamed Ashalcari, oo kamid ah Hoggaanka Sar sare ee Ahlu-sunna ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay  wax ka bartaan dhacdooyinkii  Xumaa ee Galmudug ka dhacay sanadkii 2015-kii ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook.

Lama oga go’aanka ay qaadan doonaan Hoggaanka Ahlu-sunna oo horay dhowr mar heshiis ula galay Dowladda Federaalka ee hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey oo aan dhaqan gelin.