Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u u safro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) oo la filayo in la qabto maalmaha soo socda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Waftiga Madaxweyne Deni ay Magaalada Boosaaso ka qaadi doonto Diyaaradda Jubbaland Airway, taas oo uu soo iibsaday Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaddib markii Xukuumadda Federaalka ay xayiraad aan kala sooc laheyn oo dhanka socdaalka ah ay saartay Degaanada Jubbaland

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmay iyadoo uu xalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.