Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kala-fadhiga 6-aad Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maanta oo arbaco ah uu furo Kal-fadhiga 6-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay ay Xildhibaanada fasax ku jireen.

Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye  ee Iskool Buluusiya ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa, sida uu qabo Dastuurka dalka.

Furitaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta sidoo kale goobjoog ka noqon doona Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo dhawaan soo gaarey muqdisho, sidoo kalena tegay Magalada Baydhabo.

Kal-fadhiyadii 4-aad iyo 5aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa si kala gooni gooni ah u furmay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay oo dhawaan xal ay ka gaareen.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay,iyadoona Ciidanka amniga Maanta lagu arkayo wadooyinka qaar ee Magalada Muqdisho.