Guddiga Farsamada Galmudug oo lagu dhawaaqay (Akhriso)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa soo dhaweeyay Guddiga Farsamad Maamul ee Galmudug, kuwaas oo ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood, ayaa waxaa horey u sheegay inuu soo dhisi doono Madaxweyne Xaaf, oo haatan laheyn saldhig ama xafiis uu fariisto, kaddib Maamulkiisii ay burburisay Villa Soomaaliya.