Mooshin laga gudbiyay Wasiirka Duulista Hawada XFS

Mooshin ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad  Oomar ayaa loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Idriis Ganey ayaa gudbiyey Mooshinka ka dhankaa Wasiir Oomaar.

Xildhibaanada ayaa sheegay in kalfadhiga 6-aad oo furmay maanta  kullamadiisa ugu horeeya uu baarlamaanku uga doodi doono mooshinkaas.

Xildhibaanada gudbiyay Mooshinka ayaa sheegay in ay doonayaan in kalsoonida uu baarlamaanku kala noqdo Wasiir Oomaar, oo ay ku  eedeeyeen ku tumasho qodobo Dastuuri ah iyo Xad-gudub ka dhan ah Xaquuqda aadanaha, in kastoo aysan si faah-faahsan uga hadlin waxa ay ku eedeynayaan wasiirka.