WAR DEG DEG AH: Villa Somalia oo xanibaadii ka qaaday Duulimaadyadda Kismaayo

Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku dhawaqday inay fasaxday dhamaan Dulimadyadda adaya Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in talaabadan ay ka dambeysay kaddib markii Xukuumadda Federaalka ay ku fashilantay in Madaxweynaha Dowladda Puntland ay ka hor-taagto safarkiisa Magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb-galayo Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Villa Soomaaliya ay ka cabsatay inay hor istaagto Madaxweynayaashii Hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo iyaguna berri ka degi doona Magaalada Kismaayo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey xanibaad u saartay Diyaaradaha ka dega Degaanada Jubbaland, iyadoona sidoo kale hor istaagtay Madaxweynihii Hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.