Ciidanka PSF-ta Puntland oo fashilayay Qaraxyo Miino (Sawirro)

Ciidanka PSF waxay maanta ku guulaysteen in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala miinooyin ay ku aaseen halkaas Kooxda Al-Shabaab, sida lagu baahiyay Barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland

Miinooyinka Ciidanku ay saareen oo ay aaseen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa qorshahoodu ahaa in lala eegto Ciidanka Difaaca Puntland oo aagaas Saldhigyo difaac ku leh.

Ciidanka sida gaarka ah ee Dowladda Puntland (PSF-ta), ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, ee ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag.

Ugu dambeyntii, Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka, si looga guuleysto Kooxaha argagixisada ah ee kusoo duulay Nabadda iyo Hormarka Puntland.