Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo. Waxaa la socda 50 xubnood oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, senataro iyo oday dhaqmeed.

Dadka Shacabka Jubbaland ayaa ku dhawaaqaya Oraahyo ay kusoo dhaweynayaan Madaxweynaha Dowladda Puntland, waxaana kamid ah “DENIGII DULMIGA DIIDOW SOO DHAWOOW”.

Ammaanka Magaalada Kismaayo oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa aad loo adkeeyay.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo, ayaa ku soo beegmay iyadoo uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Habeen kahor, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.