Madaxweynayaashii Hore ee Dalka oo gaaray Magaalada Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafuud ay kala hoggaaminayaan ayaa goordhoweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdiga labada Madaxweyne waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo kamid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/rixmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa ay u tageen magaalada Kismaayo ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Waxaa saaka gaaray Magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo.