Madaxweyne Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo oo u duulay Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, ayaa ka duulay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Safarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ee Magaalada Kismaayo oo shalay hakad ku yimid, ayaa ku soo beegmay iyadoo uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Habeen kahor, kuwaasi oo ka dalbaday in uu ka baaqdo caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe islamarkaana la dhammeeyo khilaafka Dowladda Puntland iyo Villa Soomaaliya.