Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magaalada Addis Ababa (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay gaareen Magalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha Bole ee Magalada Addis-Ababa waxaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

U jeedka Madaxweyne Farmaajo u tegay Itoobiya ayaa waxaa kamid ah ka qeyb-galka shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya dalkaas,waxaana dalkaasi sidoo kale ku sugan Madax ka tirsan wadamada IGAD.

Sidoo kale waxaa iyana Magalada Addis Ababa tegay Madaxweynayaasha dalalka, Koonfurta suudaan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale.

Madaxweyen Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in in inta uu ku sugan yahay Magalada Addis Ababa in uu la kulmo Madaxda kale ee ka socda Wadamada Afrika kana qeyb-galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Dowladda Kenya ayaa la filayaa inay la wareegto guddoomiyenimada Ururka IGAD,waxaana xilkaasi qaban doona Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,isaga oo kala wareegaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed  oo xilkaasi haaya.