Maxaa looga hadlay kulankii Sheekh Shariif iyo James Swan ? (Sawirro)

Madaxweynihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed  ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa uu kulan la qaatay Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka oo ay Sheekh Shariif ku wehlinayeen madaxda xisbiga Himilo Qaran  ee uu hoggaamiyaha ka yahay ayaa waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo aragtida Xisbiga Himilo Qaran uu ka leeyahay horumarinta Dalka.

Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay waxaa uu ula kulmay siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya iyo dhamaan madaxda Dowlad goboleedyada kajira dalka.