VIDEO: Madaxweynaha Jubbaland” Xirsigii waa furmay”

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta kusoo dhaweeyay Magaalada Kismaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay xayiraadii Sheekh Shariif.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxweyne Sharif uu maalmo badan ku xayirnaa Magaalada Muqdisho falkaasna ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya oo ka hor istaagtay in uu ka baxo Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso Madaxdii hore ee dalka oo si weyn uga qeyb qaatay Hanaanka Nabadgaliyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlad Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu ahaa aas aas u ahaa in xayiraada laga qaado Jubbaland waxaana uu yiri” Xirsigaasi waa furmay”