VIDEO: Wasiir Beyle oo beeniyay Warbixintii uu baahiyay Hanti-dhowrka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa si weyn uga soo horjeestay Warbixintii uu baahiyay Hanti dhowraha Qaranka ee ay ku jirtay in lacagaha qaar aysan kusoo dhicin Qasnada dowladda.

Warbixinta Hanti dhowrka ayaa waxaa ka mid ahaa”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 db ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle waxaa uu sheegay in dhammaan Saddexdaan Hay’addood lacagihii ay qabteen ay kusoo dhaceen Wasaaradda Maaliyadda,islamarkaana aysan jirin lacago ay dib u isticmaaleen.Warbixinta ayaa deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, warbixintu waxaa ay sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaartay $19,872,827 doolar.Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.Wasiirka Maaliyadda ayaa si cad u sheegay in deeqaha Caalamka ee loogu deeqay Soomaliya ay kusoo dhaceen Qasnada dowladda,islamarkaana Hanti dhowrka uusan la tashi la sameyn Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya.