Safiirka kenya Ee Somaliya oo looga yeeray W.arimaha dibada

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowlada Fadaraalka Soomaaliya,ayaa u dhiibtay safiirka Kenya ufadhiya Soomaaliya warqad cabasho ah oo sheegaysa in Kenya ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya kadib markii diyaarad ka diiwaangashan Kenya ay ka degtay magaalada Kismaayo 5-tii bishii Oktoobar 2019-ka iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowlada dhexe ee Soomaaliya.


Wasiiru Dawladaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed-Kheyr Cabdi,ayaa la kulmay safiirka Kenya Lucas Tumbo waxaana uu u dhiibay cabashadaas.


Soomaaliya ayaa warqadda ku sheegtay inaysan aqbalayn in lagu xadgudbo xuduudaha hawada, badda iyo dhulka ee Soomaaliya, waxayna Kenya ugu baaqday in ay ka jawaabto xadgudubkan iyadoo ciidamadeedu ay joogaan Gobolka Jubbada Hoose iyaga oo qayb ka ah ciidamada AMISOM.


Soomaaliya ayaa ku sheegtay warqaddaas in ficilkaasi uu xadgudub ku yahay derisnimada, iyo inaan waddan-na faragelin waddan kale arrimihiisa gudaha.