VIDEO: Sheekh Shariif “Waa nasiib darro in 30 kaddib la doonayo in Dalka lagu celiyo Kali-talisnimo”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadlay kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu welwel weyn ka qabo sida xaalada siyaasadda dalka ay ku socoto.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in soddon sano kadib in dalka Soomaaliya loo celiyo nidaam kalitalis waxana uu ku tilmaamay in ay tahay nasiib darro.

“Soddon sano kadib in dib naloogu celiyo nidaam kaligii talis ah oo aan oggoleyn sharci,oo aan ogoleyn, oo aan cid uu xurmeynayo aysan jirin waa nasiib darro.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka oo dhan,waxana uu xusay in  sacabka beenta ah iyo hadalada beenta ah ee ummada lagu wareeriyay aysan waxba soo kordhineyn.

“Dastuurkii hore loogu dhaqmayay in la iska laalo oo aan lagu shaqeyn waxaan u aragnaa inay tahay arrin Qatar ah oo aan la aqbalayn indhahana laga qarsan karin.”ayuu sii raaciyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo hadda hogaamiya xisbiga Himilo Qaran.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku sugan magaalada Kismaayo waxana uu taageeray war ka soo yeeray Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe oo ah in Kismaayo aan loo joogin oo kaliya  caleema saar balse wadatashi uu yahay.