Aadan Barre “Siyaasiyiin aan uunsan jirin baa Soomaaliya hada uunsan” (VIDEO)

Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo hada ka socota Kismaayo.

Xildhibaan Aadan Barre oo ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya inay ilaaliyaan midnimada Qaranka, aysana la ficilo qaadan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Soomaalida ayaa ku maah-maahda Islaan aan uunsan jirin hadey uunsato meelo badan baa gubta, marka waxaan lee yahay Siyaasiyiin aan uunsan jirin awal baa hada uunsada Soomaaliya, marka meelo badan baa gubanaya” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre


Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale