Dad gaaraya 100,000 oo ka qaxay dhulka Turkigu weeraray ee dalka Siiriya.

Qiyaastii 100,000 oo qof ayaa ka cararay guryahoodii waqooyiga Suuriya sida ay sheegtay hey’adda Qaramadda Midoobay xilli Turkiguna uu sii adkeynayo dagaalka uu ku qaaday dhulka xuduudda ee ay kurdiyiintu heystaan.

Dad badan ayaa gabaadsanaya iskuulo iyo dhismooyin kale oo ku yaala magaaladda Hassakeh iyo tuuladda Tal Tamiir, sida lagu sheegay warbinta Qaramadda Midoobay.

Turkiga yaa weerarkiisa bilaabay Arbacaddii markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ciidamadiisii kala baxay deegaanadda xuduudda Siiriya iyo Turkiga.

Ugu yaraan 11 qof oo shacab ah ayaa dhintay. Hey’adaha gargaarkuna waxay sheegeen in tirade dadka saameyntu so gaaartay ay kordhi doonto.