Madaxweyne Deni “C/rashiid Janan ma mudnayn xarig, wuxuu mudnaa abaal-marin” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa nasiib darro ku tilmaamay xarigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysatay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaas oo lagu soo eedeeyay inay Ciidankiisu xabsi ku dhex dileen Rag katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ciidankeenu inta ay dagaalka kula jiraan Argagixisada ay khaladaad ka dhacayaan, kuwaas oo ay ka keensanayaan Cadowga, loona baahan yahay inaan loo qaban.

“Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan xarig ma mudna abaal marin buu mudnaa waayo wuxuu la diriray argagixisadda, waxaan dalbanaynaa in xoriyadiisa la siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.