Wafti ka socda Kenya oo Goor-dhow kasoo degaya Kismaayo

Wafdi ka socda Dalka Kenya ayaa hadda u soo duullay Magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ah Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaa hoggaaminaya Madaxa Aqlabitada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Waftigan ka socda Dowladda Kenya ayaa ka qeyb-galaya Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in maalmaha soo socda ka dhacdo Kismaayo.

Lama hubo inay waftigan ka socda Dowladda Kenya u hoggaansami doonaan amar kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa in diyaaradaha tagaya Kismaayo ay maraan Muqdisho iyo inay Kismaayo toos uga deggi doonaan.

Wixii soo kordha halkan kala soco.