Wararkii ugu dambeeyay ee Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland (Sawirro)

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ciidanka Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynayaashii Hore ee Dalka, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Hoggaamiyaasha Xisbiyadda Siyaasadda, Siyaasiyiin, Xildhibaano kamid ah Labada Gole ee BFS iyo Marti-sharaf kale ayaa ku sugan Magaalada, si ay uga qeyb-galaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland.