Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay Oday 82 sanno jir ah.

Ururka Al-shabaab ayaa deeganka Fiidow oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ku toogatay shalay oday 82 sano jir ah oo ka tirsanaa maamulka degmada Jowhar.

Cali Cabdulaahi Xasan ayaa maxkamad ku taal deeganka Fiidow ku xukuntay dil kadib markii uu u tegey halkaa inuu marqaati u noqdo mid ka mid ah labo qoys oo isku haystay dhul.

Qoyskii uu ku marqaati furayay ayaa u sheegay garsoorihii maxkamada in Cali Cabdullaahi uu yahay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Jowhar sidaa awgeedna uusan ka marag furi karin dacwada.

Al-Shabaab ayaa xabsiga dhigtey kadibna maxkamad gaar ah saartay iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah.  Cali Cabdulaahi Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha xaafadda Buula Sheekh ee magaalada Jowhar.