Ciidamo cusub oo kasoo goostay Somaliland, kuna soo biiray Puntland (Sawirro)

Ciidamadii Maamulka Somaliland ee Degmada Ceelbuh ee Gobalka Sanaag, ayaa saaka ku dhawaaqay inay kasoo baxeen Maamulka Somaliland, kuna soo biireen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Ciidanka cusub ee kusoo biiray Daraawiish-ta Dowladda Puntland, oo ku hubeysan Gaadiid Dagaal, ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobalka Sanaag, Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland, iyo Masuuliyiin kale.

Ciidankan oo ahaa Guutada 93-aad ee Milateriga Maamulka Somaliland, ayaa Xeradooda ka taagay Calanka Dowladda Puntland, waxaana hoggaaminaya Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.