DFS oo dhaqaale siisay Xildhibaano iyo Odayaal Reer Puntland ah (Warbixin)

Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta burburinta Danley Siyaasiyiin iyo  Odayaal isugu jira, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo siisay Mashruuc ku aadan Khalkhal gelinta Xasiloonida Siyaasadeed iyo mida amni ee Puntland.

Mashruucan oo Dowladda Federaalka ay u soo wakiilatay Senator Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matala Degaanada Puntland, ayaa ujeedadiisu tahay in la iska horkeeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda.

Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Magaalada Garoowe eedeyn ugu jeediyay Madaxweynah Dowladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay u safrayaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Odayaal kamid ah kuwa Gobalka Bari oo dhaqaale ka qaatay Xildhibaan Mashruuc, wadana abaabul ka dhan ah Xasiloonida amni iyo Hormarka Magaalada Boosaaso, ayaa Ciidanka amnigu ka baadi-goobayaan Magaalada, iyadoona ciidanku xabsiga u taxaabeen Muuse Cali Jaamac oo kamid ahaa Odayaashan.

Dhanka kale, Waxaa Magaalada Gaalkacyo ka socda abaabul ay wadaan Kooxdan isku xiran, kuwaas oo loo adeegsanayo Haweenka iyo Dhalinyarada Magaalada inay sameeyaan Banaan-baxyo ka dhan ah Dowladda Puntland, wallow kuwo fashilmay ay u muuqdaan.

Senator Maxamuud Mashruuc ayaa ahaa Shaqsiga lahaa Qoondada ugu badan ee Mashruucii PDG ee u adeegida Ciidanka Badda Puntland, kaas oo uu Madaxweyne Deni baa’biyay kaddib markii Imaaraadka Carabta oo taakuleeya Ciidankan ay ku eedeeyeen inay ku shaqeystaan Musuq-maasuq.