Kheyre “Mucaarad iyo Muxaafad waxaa taariikhda ku geli doonaa sida aan u ilaalino qarannimada” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in qof walba oo Soomaali ah mucaarad iyo muxaafad looga baahan yahay inay ilaaliyaan hawada, Badda iyo dhulka, waxaana uu xusay in taariikhda ay ku geli doonaan mucaarad iyo muxaafad.

“Qof walba oo Soomaaliyeed, qof walba oo naga mid ah meel walba uu uu dalka ka joogo ama ay ka joogto mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in qarankiisa matalo ama qarankeeda matasho waxaa taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalino qaranimada, madaxa banaanida sida aan u ilaalino hantida qaranka, ugana fogaano musuq maasuqa sida aan u ilaalino midnimada, sida aan u ilaalino xuduudaha, badda iyo hawada Soomaaliyeed aan xajino calankaas”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.