Madaxweynaha Jubbaland oo ku casuumay Kismaayo Madaxweyne Farmaajo (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay Midnimo iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ay la shaqeyn doonaan dowladda dhexe Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay Muqadas tahay Midnimada Soomaaliyeed, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa xusay in dowladda dhexe ay ku tixgaliyeen shaqooyinka dowladda dhexe laakiin dowladda aysan ku tixgalin Hanaankii Awoodda maamul goboleedka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in Wadahadal uu yimaado Magaalada Kismaayo, maadaama uu yahay Madaxweynaha Qaranka.