Madaxweyne Deni oo door ka qaadanaya midnimada iyo horumarka Jubaland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland,

Kulanku intuu socday waxaa looga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka ee ka shaqeynta illaalinta amniga,waxuuna kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u tagay ka qeybgalka caleemasaarka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa sidoo kale kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada,siyaasiyiin iyo madaxda si loosii xoojiyo horumarka iyo wadajirka Jubaland.