Mooshin ka dhan ah Ciidanka Kenya oo la hor-geynayo Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii u dambeeyay ee ay kaga keenayaan mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Kulanka ugu horeeyay ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa in la horgeeyo ajande uu ka mid yahay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kenya ay weerar ku tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda ay horgeynayaan Baarlamaanka.

Waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in looga baahan yahay inay ka hadasho daan daansiga iyo xadgudubka Kenya ay ku heyso Soomaaliya.

Dad badan ayaa si aad ah uga hadlayay diyaarad ay la socdeen Wafdi Kenyan ah oo uu hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo shalay ka degay Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madax banaanida.