QM oo si kulul uga hadashay Madaafiic lagu garaacay Xerada Xalane (Akhriso)

War qoraal ah oo ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, James Swan ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inuu aad u cambaareynayo

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii ka dhacay xarunta Xalane, balse waxaan la amakaakdanahay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisannimada ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Ma sheegin tirada rasmiga ah ee dadkii Ku waxyeeloobay weerarka, balse waxaa uu sheegay in dhaawac uu jiro oo kaliya.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada hoobiyayaashii maanta lagu garaacay xarunta Xalane ee Muqdisho