Soomaaliya iyo Qatar oo diiday Go’aan ka dhan ahaa Turkiga

Golaha Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta shir deg deg ahaa oo shalay ay  ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay kasoo saareen qaraar ka dhan ahaa dowladda turkiga oo weerar Ciidamadiisa ku galeen dalka Syria.

Kulankooda kadib ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen weerarkaas,hayeeshee waxaa diiday  saxiixa bayaankaas dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Bayaanka dalalka Carbeed ayaa waxa ay ku sheegen in faragelinta turkiga ee dalka Syria uu Qatar dhinaca amniga ah ku yahay wadamada Carbeed maadaama Syria ay dalalka Carbeed kamid tahay.

Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in weerarka ciidamada turkiga ku galeen Syria uu yahay faragelin qaawan oo ay kusoo qaadeen dalalka Carbeed.

Ciidamada dowladda turkiga ayaa dhawaan bilaabey howlgal ka dhan ah Ciidamada Kurdish-ka ee ay ugu yeereen argagixisada,waxaana tallaaandaaasi cambaareeyey dowlado badan oo Caalamka ah.