Beelaha Koombe Kablalax iyo Meheri Ee Jubaland Oo cabasho ugudbiyay Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni waxuu xalay la kulmay waxgaradka beelaha Koombe iyo Meheri ee Jubaland.

Kulankan,ayaa waxuu qayb ka ahaa dadaalka loogu jiro xoojinta midnimada bulshaweynta Jubaland.

Iswaraysi iyo xog kala qaadasho dheer kadib,waxay waxgaradku usoo gudbiyeen Waftigii Puntland ee Madaxweyne Deni hogaaminayay cabashooyin ay ka qabaan maamulka Jubaland.

Arimaha ay kaga cawdeen beelahaas maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa ukala qaybsanaa sadex qaybood oo kala ahaa..

1.Qayb ay kaga cawdeen arimo masiiriya oo ay ugu waynaayeen saami qaybsiga Wasiirada,Talyayaasha Ciidamada iyo Maxkamadaha.

2.Qayb ay kaga cawdeen arimo dhaqaale oo u badnayd lacag fara badan oo kaga maqan maamulka oo dayn ahaan looga sii qaatay dibna aan loogu soo celin.

3.Xadgudub fara badan oo ay kala kulmeen Ciidamada iyo maamulka .

Madaxweyne Deni,ayaa waxgaradka usheegay in arinta dhaqaalaha aysan xiligan ku haboonayn in laga hadlo oo ay ku qurux badan tahay in lala sugo xiliga baraaraha iyo xoogaysiga maamulka.

Balse labada arimood ee kale uu hordhigi doono Madaxweyne Axmed Madoobe,isla markaana rajaynayo in wax la taaban karo laga qaban doono.

Isku soo wada duuboo Madaxweyne Deni waxuu ku jiraa dadaal xoog badan oo qayb uga qaadanayo fududaynta culaysada xooga leh ee saaran maamulka dib loo doortay Madaxweyne Axmed Madoobe.