Doorashadii Tunisiya oo ku guulaystay Nin aan looba filayn

Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaaray doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah.

Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray.

Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”.

Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma.

Hogaamiyaha laga guuleystay Nabil Karoui oo isagu ah Taajir iyo Mulkiilaha qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi ayaa taageero xoogleh ka helayey dadka calmaaniyiinta ah ee dalkaasi ku nool oo loolan xoogan kula jiray Xisbiyada Islaamiga ah.