Farmaajo iyo Khayre oo ku dhici waayay ka qaybgalka xuska Qaraxii Soobe

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Somaliya,ayaa arrimo amni uga baaqday munaasabadii saaka ka dhacday Isgoyska 14 Oktober ee Xuska loogu sameeyay boqolaalki qof ee ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor ka dhacay Isgooyskaas.

Ammaanka goobta,ayaa walaac laga muujiyay,taasi oo sahli ay suurtagal noqon wayday in ay ku soo dhiiradaan Madxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha,waxaana kaliya tagay oo dadweynihii isugu soo baxay Taalada 14ka Obtober la hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Filish”.

Saraakiisha qaabilsan amaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku wargeliyay in eysan ka qeyb geli karin munaasabada ka socotay isgoyska Soobe.


Waji gabax iyo faashil ayay ku tahay madaxda Fadaraalka in ay maanta uga baaqdeen goobtii qaraxu ka dhacay ee ku taalay gudaha Magaalada Muqdisho baqdin ay ka baqayaan Alshabaab,iskabadaa in ay ka xoreeyaan dhul kale oo hor leh.