Madaxda Fadaraalka oo ku xusay xasuuqii Soobe xayaysiin!!

Waa nasiibdaro aad u niyad jabisay Shacabka Somaliyed in lagu xuso xasuuqii Soobe Xayaysiin.

Madaxda Dowlada Fadaraalka waxaa meel walba la gashay igu sawir,iyadoo bulshada Somaliyed meel walba ay joogto saakay la amakaageen markay ku arkeen goobtii Qaraxu ka dhacay ee ay ku xasuuqmeen 316-qof ee shacabka ah Gawaari ay isku xayaysiinayaan Farmaajo iyo Khayre.

Waa mid ka mid ah dhaqamada aadka uhooseeya ee ay caanka ku yihiin kooxda Nabad iyo Nolol ee xiligan horbooda Villa Somaliya.