Video:-Maxaa laga xasuusan karaa Qaraxii 14-ka Oktober iyo fursadihii ay dayacday Xukuumada Fadaraalka?

Guddoomiye Taabit oo xilliga qaraxaas dhacayay ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhaawicii maskaxda iyo niyadda ee gaaray shacabka Soomaaliyeed maalintaas, isagoo xusay in gurmad lagu guuleystay ay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan ay muujiyeen.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay lumisay fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan kartay dareenka shacabka ee maalintaas, si loogu midoobo, loona soo afjaro dagaalka Al-Shabaab, ama aysan mar dambe dhacdadan oo kale u dhicin.

“Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed.

Waxaa uu sheegay inay hubaal aheyd haddii maalintaas laga faa’ideysan lahaa dareenka shacabka inay horseedi alheyd nabad waarta in la helo sida uu yiri,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka