Talyihii Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo la dalacsiiyay

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dalacsiiyey Saadiiq Maxamuud Dhogor oo ah taliyaha ciidanka amniga garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Jubbaland,ayaa darajada Gaashaanle Dhexe loogu xiray Saadiiq Dhogor oo ka mid ahaa sarakiishii sida gaarka aheyd uga shaqeysay amniga doorashadii dib loogu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo waliba caleema saarkii ku xigay.

Talye Dhogor,ayaa lagu tilmamaa mid ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Jubaland.