Video:-Erdogan oo ku gacansayray baaqyada xabad joojinta siina wada hawlgalkii Siiriya

Dowlada Turkiga, ayaa ka dhaga adaygtay cadaadiska caalamiga ah ee looga dalbanayo in ay joojiso hawl-galka militari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Siiriya.

Dagaal xooggan,ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Siiriya ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan in ay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Siiriya ee Turkiga uu taageero.

Weriye ka tirsan AFP,ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr mar sheegtay in ay gacanta ku dhigtay magaalada.

Tan iyo markii dagaalka uu billowday 9-kii Oktober, ciidamada Turkiga uu taageerayo waxay qabsadeen in ka badan 100 km oo dhulka xuduudda ah, hase yeeshee Ras al-Ain iyo Siri Kani ayaan weli gacanta usoo gelin.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan oo saxaafada la hadlayay,ayaa yiri….

“Waxay na lee yihiin ‘xabad-joojin ku dhowaaqa’. Weligeen xabad-joojin ku dhowaaqi mayno.”.

isagoo hadalkiisa sii wata,ayuu hadana yiri…

“Insha Allah, waxaan dhowaan gacanta ku dhigi doonnaa dhul ku teedsan Manbij illaa xuduudeenna Ciraaq,” ,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalkaA