Video:-Gole Deegaan oo cusub ayay Burtinle yeelatay

Xarunta Dowlada Hoose ee Burtinle waxaa lagu dhaariyey ugu danbayn dhawr beri oo madaxa layskula jiray kadib 22-Xubnood oo ah Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Burtinle

Xubnaha Golaha Deegaanka waxaa dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamda Darajada 1-aad ee Degmada Burtinle.

Dhaarintan Golaha cusub,waxaa Goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, Wasiiro kale iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Burtinle oo ka mid ah Degmooyinka muhiimka ah ee Puntland,ayaa waxaa si xoog leh uag socda loolanka loogu jiro hanashada kursiga Duqa Magaalada,waxaana ilaa iyo hada sharaxan sadex musharax oo ku jiro Duqa Kmg ah ee xiligan hogaamiya Degmada,hoos ka daawo muuqaalka.

Hakan hoose ka daawo muuqaalka