ICJ oo mar kale dib u dhigtay kiiska Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa maanta mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas.

Waa markii labaad oo kiiska dib loo dhigo. Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qaado bishii September ee tagtay.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwada ayaa waxaa xaqiijiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaalida Mahdi Guuleed.

Labada mar ee kiiska dib loo dhigay ayaa ku yimid codsiga dowladda Kenya.