Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso (Sawirro)

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil Ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gacansiga Dowladda Puntland.

Waxaa Garoonka Diyaraha ee Magalada Boosaaso Ku soo dhaweeyey xubmo katirsan Golaha wasiirada, Maamulka Gobolka Bari, ka Degmada Boosaaso, iyo buldhada qaybaheeda kala duwan.

Imaanshaha Magaalada Boosaaso ee Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil, ayaa kusoo aadaysa waqti xasaasi ah waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Boosaaso Shirar looga soo ho-jeedo Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil ayaa la filayaa inuu ku buuro dadaalada lagu xasilanayo Siyaasadda iyo Amniga Gobalka Bari, isagoona kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dib uga degaya maanta Boosaaso.