Beesha Cali Ibraahim “Cadowga Puntland waan la dagaalamaynaa” (VIDEO)

Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Cali Ibraahim oo kamid ah beelaha dega Gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo ku qabtay shir ay ku taageerayaan Madaxda sare ee Dowladda Puntland.

Waxgaradka Beesha Cali Ibraahim ayaa sheegay inay Puntland tahay mid meel weyn uga taal Bulshada, ayna u soo hureen naf iyo Maal, iyagoona sidoo kale ammaan u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Dhinka kale, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Cali Ibraahim ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha dhawaan loo doortay Dowlad Gobaleedka Jubbaland.